U bood dhigaalka

Somaliland: Wasiirro Hore Oo Diidan Musuq-maasuq lagu Eedeeyay

Sheeko:Dalka

Guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida ee golaha wakiillada Somaliland ayaa todobaadkii hore (31.July.2018) waxay soo saareen warbixin dheer oo ay ku sheegeen in hanti malaayiin doollar ah ay dhaceen masuuliyiin hore oo ka tirsanaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo iyo dad kale oo aan xilal haynin.

Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ahaa wasiirkii wasaaradda hawlaha guud ee xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo iyo Axmed Xaaji Daahir wasiirkii hore wasaaradda xidhiidhka golayaasha ayaa labadadooduba waxay iska diideen musuq-maasuqa lagu eedeeyay.

“Qofku markuu mas’uul yahay ama muwaadin yahay ama shirkad yahay wuxuu xaq u leeyahay markaad doonayso inaad halkan (Golaha wakiillada) ka sheegto inaad marka hore waraysato dadkii oo dhan ee lagu soo qoray ee todobaatanka qof ahaa qof bina’aadam ah oo wax la waydiiyay waa la waayay” sidaas waxaa yidhi Wasiir hore Cali Marreexaan oo beeninaya waxaa lagu soo eedeeyay.

Cali Marreexaan waxaa kale oo uu sheegay in uu maxkamad la tiigsan doono xubnihii guddida ilaalinta hantida iyo dabagalka ee golaha wakiillada, kuwaasi oo eedaymaha la xidhiidha musuq-maasuqa usoo jeediyay.

Axmed Xaaji Daahir wasiirkii hore wasaaradda xidhiidhka golayaasha ayaa isagu ku tilmaamay eedaynta loo jeediyay dagaal siyaasadeed isla markaana uu dacwad ka gudbin doono.

Axmed Xaaji Daahir ayaa yidhi; “Waar malaayiin iyo balaayiin ayaa la qaataa haddaad sheegaysid oo idinku aad kamid tihiin (Baarlamaanka) waxaa waxa ka dambeeyana waa dagaal xiddigaha ah oo siyaasaddeed oo weliba kasoo uskamaya dadkagaya iyo meesha aan kasoo jeedo.. uma baahna hadal anaa lacag ku leh dawladda.. waan dacwoonaya waraaq baan qorayaa”

 Xubnahan la eedaayay ayaa ku doodaya in gabi ahaanba aanu jirin wax musuq-maasuq ah, sida uu sheegay maanta wasiir hore Cali Marreexaan oo tagay xarunta baarlamaanka Somaliland. Wuxuu ku dooday mudane Cali Marreexaan in wasiirradu ay xaq u leeyihiin iibinta dhulka iyo hantida kale ee dalka.

Ugu dambeyntii, eedaynta loo soo jeediyay xubnahan masuuliyiinta hore ahaa ayaa si wayn looga hadal hayay magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland maalmihii ugu dambeeyay, waxayna noqotay arrin ay dadka shacabka ahi su’aalo badan iska waydiiyaan hantida malaayiinka doollar ah ee lagu eedeeyay in ay lunsadeen.