U bood dhigaalka

Somaliland: Xagguu ku Dambeeyay Khilaafka Garabyadii Is Hayay ee Xisbiga Ucid?

Sheeko:Dalka

Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa waxa uu murashax cusub u doortay Faysal Cali Waraabe, shir hal dhinac ah oo ay qabsadeen garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha xisbiga Ing. Faysal Cali.

In muddo ah waxaa ka jiray xisbiga Ucid khilaaf labo garab ah oo in muddo ah soo jiitamayay una gudbay maxkamadda sare oo iyaduna dhankeeda ka soo saartay go’aan ah in dhinacyada is haya ay shirweyne ku kala baxaan muddo labo bilood gudaheed ah si loo dhameeyo khilaafka labada garab ee xisbiga u dhexeeya, iyadoo guddi isku dhaf ah oo shirkaa qabanqaabiya la amray iney wada xushaan oo si wadajir ah ay u qabanqaabiyaan shirweynaha.

Halkan Guji oo Akhriso Go’aankii Hore ee Maxkamadda Sare

Shirar iska soo kala horjeeda ayaa waxaa ku kala dhawaaqay dhinacyadii is hayay ee xisbiga Ucid, kadib waxaa ka hadlay guddiga diiwaangelinta axsaabta oo sheegay in arrintaasi sharci darro tahay loona baahan yahay in si wadajira xubnaha is hayaa ay shirkooda ku qabsadaan.

Halkan Guji oo Akhriso Go’aankii Hore ee Guddiga Diiwaangelinta Axsaabta

Maalinimadii shalay ayaa waxaa magaalada Hargeysa ku soo gabagaboobay shir hal dhinac ah oo ay qabsadeen garabka Feysal Cali waraabe muddo Labo cisho ahna uga socday magaalada Hargeysa, shirkaa waxaa lagu laalay heshiiskii xisbiga Ucid ee garabyadan hadda is haya horey ay u saxiixeen uguna midoobeen Jun 2012, waxaana shalay si rasmi ah murashaxa xisbiga halkaa loogu doortay Faysal Cali Waraabe.

Guddiga diiwaangelin Axsaabta Somaliland oo isla shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sharciyeeyay shirka ay qabsadeen garabka Faysal Cali Waraabe, waxa uuna guddoome Cabdirisaaq Ciyaalle sheegay in ay ummadda u caddeynaynaan in uu soo gabagaboobay khilaafkii xisbiga Ucid shirka ay qabsadeen garabka Faysal Cali Waraabana uu sharci yahay.

Dhanka kale, waxaa hadlay garabka Jamaal Cali Xuseen oo sheegay iney dhankooda Tanaasuleen, waana sida uu saxaafadda u sheegay Cali Guray oo ahaa guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga kana mid ah garabka Jamaal.

Murashixii xisbiga Ucid Jamaal oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in godob laga galay, lagana hiilliyay, halgankii uu ku jiray iyo hamigiisii aanuu dhaamaan, “Wallee ninka rag waxba iskaga tirin waayay maalin dambe ayuu heli natiijadeeda”, ayaa ka mid ahaa hadalladii uu Jamaal saxaafadda u sheegay; Isagoo markaa muujinayay in aanuu ku qanacsaneyn qaabka loo soo afjaray khilaafka garabyadii is hayay ee xisbiga Ucid.

Si kastaba, khilaafkii xisbiga Ucid ayaa u muuqda mid la soo afjaray, iyadoo qaabka loo soo afjaray ay dad badan wax iska weydiinayaan.

W/D: Khadar Xuseen

Goobjoog  News

Mawduucyada:Gobollada