U bood dhigaalka

Somaliland: Xeerka Kufsiga Oo Mar Labaad La Ansixiyay

Sheeko:Dalka

Golaha wakiillada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta mar labaad ansixiyay xeerka kufsiga iyo tacaddiyada kale ee la xidhiidha.

Ansixintan labaad ee Xeerka Kufsiga ayaa timid ka dib markii ay wax ka baddal ku sameeyeen Xeerkan golaha guurtidu, hase ahaatee golaha wakiillada ayaa kasoo horjeestay oo sidii hore ku ansixiyay.

Ururrada bulshada rayidka  ee Somaliland qaarkood ayaa horay ugu baaqay baarlamaanka in aan wax ka baddal lagu samayn xeerka Kufsiga.

Golaha wakiillada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa Lixdii bishii Janaayo ansixiyay xeerka Kufsiga iyo xadgudubyada la xidhiidha, waxaa uuna ka koobnaa xeerka 64 qodob isga oo noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Somaliland yeelato.

Xeerkan ayaa dhigaya in qofkii geysta kufsi lagu xukumo 25 sano oo xarig ah, kan kufsiga la socda jir dilka geystana xabsi intaas ka badan, halka qofka isaga oo qaba HIV AIDS ee kufsada lagu xukumayo xabsi daa’in ah.

Goobjoog News