U bood dhigaalka

Somaliland: Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Mas’uul Shaaciyey Musuq Ka Jira Dowladda Hoose Ee Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta shaqada ka eryay xoghayihii fulinta ee dawladda hoose ee magaalada Hargeysa Cali Xasan Cawaale.

Xilka laga eryay mudane Cawaale ayaa loo magacaabay Axmed Yoonis Aadan (Juxaa).

Xoghayaha xilka laga eryay ayaa horay u sheegay in khilaaf maamul uu soo kala dhex galay isaga iyo maayarka magaalada caasimadda ah ee Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco.

Desember 28, 2017kii ayuu sheegay xoghayihii hore ee dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale in khilaaf ka dhex jira isaga iyo masuuliyiinta dawladda hoose uu sababay inay mushaharkooda ku waayaan shaqaalaha dawladda hoose.

Mr. Cawaale waxa kale oo uu sheegay in arrimo aan munaasib ahayn lagu isticmaalay lacagta dawladda hoose ee Hargeysa taasina ay keentay mushahar la’aanta shaqaalaha dawladda hoose ku dhacday wakhtigaasi.

Jan 29, 2018 ayuu sheegay in laga been abuurtay saxeexiisa rasmiga ah iyo shaambadda xafiiska xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa, isagoo xusay in saxeexaas laga been abuurtay lagu lunsaday hanti badan oo ummaddu ay lahayd.

“Hantidii ummadda ayaa magacayga iyo saxeex kale lagu bixiyay iyo shaambad kale oo aanan lahayn oo foojari ah iyadoo laga dhigayo in Cali Xasan Cawaale uu saxeexay” ayuu yidhi Mr. Cawaale.

Jan 11, 2018 Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo wax laga waydiiyay khilaafka uu sheegay xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo khilaafkaasi.

Jan 31, 2018 Digreeto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa xilka lagaga qaaday Cali Xasan Cawaale iyadoo aan lagu sheegin digreetada sababta xil ka qaadistiisa.

Cali Xasan Cawaale oo maanta markii xilka laga qaaday warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in uu soo bandhigay musuqmaasuq badan oo ka jira dawladda hoose ee Hargaysa isla markaana aanay cidina baadhis iyo daba-gal ku sameyn kadib markii uu u gudbiyey wasaarada arrimaha gudaha.

Xoghayaha xilka laga qaaday waxa kale oo uu sheegay in xilkiisii uu ku waayey soo bandhigista musuqmaasuqaasi uu sheegay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu horay u ballan-qaaday in uu la dagaallami doono musuq-maasuqa iyo caddaalad darrada.

Khaalid Foodhaadhi
Goobjoog News
Hargeysa, Somaliland