U bood dhigaalka

Somaliland: Xil. Siciid Axmed Rooble oo Ka Hadlay Jirdil Loo Geystay Isaga iyo 3 Xildhibaan oo Kale

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Siciid Axmed Rooble oo ka tirsanaa xildhibaanno shalay xoog looga saaray fadhigii wadajirka ahaa ee Baarlamaanka Somaliland ayaa  sheegay in jirdil iyo xarig loo geystay qaar ka mid ah xildhibaannada oo uu isagu ka mid ahaa.

Xildhibaanka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ugu horreyn ka hadlay sida ay wax u dheceen iyo waxa ay ka biyo diideen ee keentay in golaha si xoog ah looga saaro:

“Waxaa nala horkeenay waraaqdaa, waa 4 bayj oo Af-Soomaali ah, meel alaaliyo meel saxiix Labo daraf ku yaallo habayaraatee majirto, heshiisyada waan naqaannaa waa intaas oo Bayj dabadeetana adraafta ayaa saxiixda, qeybta Koowaad, Qeybta Labaad, saxeexyo ayaa lagu dhigaa, dabadeetana tasdiiq ayaa lagu sameeyaa heshiiska caalamiga ah waan garaneynaa”.

Waxa uu intaa sii raaciyay xildhibaanku in sharciyaddii la hareer maray oo sifo aan sharci ahayn lagu meel mariyay:

“Sharciyaddii waa la hareer maray, waxaan filaynay khudbaddii Labada gole, waxa kaliya ee Dastuurku tilmaamayo ee uu caddeeyay ee Madaxweynuhu Labadayada gole iskugu yeeri karaa sharciyan waa Labo arrimood, Ansixinta guddoomiyaha maxkamadda sare iyo khudbadda sanadka, markii aan soo fariisannay halka aan ka sugeynnay in khudbad sanadeed dhacdo waxaa la yidhi heshiis baad saxeexaysaan, haddii heshiis jiri lahaa sharciyad loo maray ma jirto”, ayuu yiri xildhibaan Siciid.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay markii madaxweynuhu uu ka codsaday in heshiiskaa la meelmariyo ay isku dayeen iney dood ka furan ra’yigoodana ay ka dhiibtaan, laakiin ay taa bedelkeedii la kulmeen jirdil iyo in sharkii laga saaro:

“Markii madaxweynuhu uu khudbaddiisii dhameeyayna waxaan is niri halaga hadlo, askar baa markiiba Saleebaan soo galiyay, milatari baa la soo galiyay duub cas ah, ammarkiina isagaa bixiyay rag xasaanad leh ayaanu ahayn xildhibaanno ayaanu ahayn, dabadeedna qunyar nalooma saarine gowda ayaa nalaga saaray, Aniga inta qori baadkii la igu dhuftay ayaa dibadda la ii saaray, Saddex xildhibaanna inta la garaacay ayaa la xidhay, xaaladdu sidaas ayay ahayd, afduub bay ahayd sharcidarray ahayd”.

Xildhibaan Siciid farriin ayuu u diray shacabka uu ugu sheegayo in sharciyaddii golaha wakiillada la hareermaray, wax si sharci ah ku meelmarayna aanuu jirin:

“Waxaan u sheegay ummadda Somaliland maanta sharciyaddii golayaasha iyo sharciyaddii golaha wakiillada waa loo awood sheegtay, sharcigiina waa la baalmaray, wax alaaliyo wax sharci ah oo naloo keenay oo aan ansixinnay ma jrito”.

Ugu dambeyn, fadhi wadajir ah oo loo qabtay Labada gole ee baarlamaanka Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa la sheegay in lagu meelmariyay heshiis Imaaratka loogu ogolaanayo saldhig milatari inuu ka sameysto magaalada Berbera, iyadoo arrinkaa ay ka soo horjeesteen xildhibaannada ka tirsan golaha wakiillada oo sharcidarro ku tilmaamay.

Goobjoog News