U bood dhigaalka

Somaliland: Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani oo Si Rasmi ah u Doortay Murashixiinta U Mataleysa Doorashada Madaxtooyada ee 2017

Sheeko:Dalka

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta si rasmi ah u doortay murashixiinta xisbiga u mataleysa doorashada madaxtinimo ee Somaliland.

Ergooyinkii shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo gaaraya illaa 629 xubnood ayaa si aqlabiyad leh u doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro inuu noqdo murashaxa madaxweyne ee xisbiga u matalaya doorashada madaxtinimo ee Somaliland.

Murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga oo loolan adagi ka jiray ayaa waxaa loo doortay Dr. Maxamed Cali Cabdi oo helay 581 cod, halka Axmed Muumin Seed oo la tartamayayna uu helay 44 cod oo kaliya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada