U bood dhigaalka

Somaliland: Xisbiga Wadani Oo Goob joogayaashiisa Kala Baxay Doorashada

Sheeko:Dalka

Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa lagu soo waramayaa inuu kala baxay ergadii goob joogga uga hayd tirinta cododka ee doorashooyinkii dhacay 13-kii bishan.

Waxaa la sheegayaa in xisbigan uu saluugay hannaanka dib u tirinta cododkii qaar ee la sheegay marka hore in la musuqay.

Dhana kale, mas’uuliyiinta guddiga doorashada Somaliland ayaa laga soo xigtay in maanta oo Isniin ah ay shaacin doonaan cidda heshay doorashadii dhacday.

Xibiga Wadani ayaa markii Labaad kala baxaya xubnihiisa goob joogga ah ee tirinta cododkii la dhiibtay, waxaana weli ay aaminsan yihiin iney jirto wax is dabo marin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News