U bood dhigaalka

Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Ka Soo Horjeestay Heshiiska Berbera

Sheeko:Dalka

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka soo horjeestay heshiiska saddex-geesoodka ah ee dekedda Berbera, kaasi oo ay ku tilmaameen in uu yahay sharci darro.

Guddoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa aya sheegay in heshiiska dekedda Berbera aanay taageersanayn, horayna aanay u taageerin isla markaana uu ku jiro mad-madow badan – sida uu hadalka u dhigay.

“Xisbiga Waddani, horay uma taageerin, haddana ma taageerayo xukuumadda Somaliland heshiisyo aanay u marin dariiq habboon, oo daah-furan, oo mugdi iyo mad-madow toona ku jirin”.

Guddoomiyaha xisbigaasi Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu sheegay in heshiiskii markii hore ay wada galeen Somaliland iyo DP-World uu dhigaayay in shanta sanno ee soo socota aanay cidina iibin karin saamigeeda.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada