U bood dhigaalka

Somaliland: Xisbiga Waddani oo Kalsoonida Kala Noqday Guddiga Doorashada, Codsadana

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee  Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxaa uu sheegay in xisbigiisu markii horeba wax ka badan ka tabanaayey guddiga doorashada Somaliland.

Cirro oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri“Waxaan saxaafadda ugu yeernay in aan idiinku war-geliyo inaan madaxweynaha Somaliland u gudbinnay qoraal aan kusoo uruurinay dhaliilihii doorashada madaxweynaha..13-kii November 2017-kii iyo gefafkii laga galay xeerarka diwaan-gelinta iyo doorashooyinka..xisbiga waxaa uu bilowgii muujiyay sida aanu ugu qanacsaneyn doorashadii iyo natiijada guddiga laakin xisbiga Wadani ku liqay turraale uu u qabo dadkiisa iyo dalkiisa”

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in aanay jirin kalsooni dambe oo ay ku qabaan guddidan taasi oo ay ku qabtaan doorasho dambe oo dalka ka dhacda.

“Qoraalka saaka gudbiyay xisbiga Wadani ku muujiyay in aanu wax kalsooni ah oo doorashooyin dambe ku qabto guddiga doorashooyinka aanu ku qabin, waxaanu codsaday in guddiga la kala diro, oo mid cusub si dhaqsaha loo dhiso”.

Goobjoog News