U bood dhigaalka

Somaliland: Xoolaha Aan Dhoofinno Caafimaadkooda Waan Hubinnaa

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in xoolaha laga dhoofiyo deegaannadooda aysan qabin wax cudur ah, islamarkaana go’aankii dowladda Sacuudiga ku hakisay xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya yahay mid aan laga fiirsan.

Wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha ee Somaliland C/laahi Cakuse oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay xarumo lagu baaro caafimaadka xoolaha, islamarkaana aysan dhoofin xoolo aan la hubin caafimaadkooda.

Dowladda Sacuudiga ayuu sheegay in looga baahnaa iney kala hubiso xoolaha halka ay uga yimaadeen bedalkii go’aankaan uu dhankooda saameyn lahaa.

“Xoolaha la hakiyey waa xoolihii Soomaalida oo dhan, tani waa arrin dhaqaale, waxaan xaqiijineynaa marqaatigeedana leh in aanu xoolahan qabin xanuun, gaar ahaan xanuunadan la sheegay eek u xusan qoraalka kasoo baxay boqortooyada Sacuudiga, xoolaheena ma qabaan xanuunadaasi, waxaa jira hay’ado aan kala shaqeynno arrimahan” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Sacuudiga ayaa hakisay dhammaan xoolihii looga dhoofgin jirey Soomaaliya kadib markii ay sheegeen in ay arkeen xoolo cudur qaba.

Goobjoog News