U bood dhigaalka

Somaliland: Xukuumadda Iyo Mucaaradka Oo Ka Heshiiyey Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Iyo Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Somaliland, xukuumadda iyo xisbiyada ayaa ku heshiiyey inay guddi u saaran is mari waaga ka taagan doorashada goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Syalici, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro  iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali ayaa si wada jir ah u sheegay inay ku heshiiyeen gudi xisbiyada iyo xukuumada ka kooban oo lafa gura arimaha ismariwaagu ka taagan yahay, sida oo kale waxa ay sheegeen in la magacaabay guddi kale oo arimaha siyaasada ee dalka iyo mandaqada wada jir uga kulma kuwaas oo ah madaxweynaha iyo labada guddoomiye ee xisbiyada.

Sida uu warbaahinta u sheegay madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, waxaa la isla gartay 2 qodob.

Qodobka koowaad oo ah kii doorashooyinka waxa laysla gartay in dib loo hawl galiyo saddexdii gudi ee sadexda xisbi qaran ka socda oo dib u bilaabi doona wada hadalkoodii iyo inay ka wada hadlaan waxii caqabad ah ee ku gadaaman doorashooyinkaas. Qodobka labaad arimaha siyaasadeed ee mandaqada iyo guud ahana caalamkaba ku soo kordhay iyo dalka sidii horumar loo gaadhsiin lahaa iyadana waxa u balamay madaxweynaha iyo labada guddoomiye xisbi aya au balamay axada soo socota, qarankuna waa talo la wada leeyahay maalinba ninkii loo doortaa ha hoggaamiyo haddana waxa inoo dhaqan ah inaan talo isku mid ah oo dalka lagu dhisaayo laga wada tashado.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhankiis waxa uu yidhi“Maanta waa cusub ayaa inoo bilaabmay, baryahan waan kala fogayn waydinkii naanaysta bixiyay ee yidhi handaraab, handaraabkii maanta waa uu burburay oo furihii ayaa la helay, sidaas uu madaxweyne ku xgeenku sheegay waxaanu isla eegnay arimo badan oo ina hortaagan sidaas ayaa loo kala qaaday oo doorashadu waxay suurto gali kartaa haddii aanay ciladi jirin oo haayaduu aanay shaqayn laakiin jawi aanay doorasho ku dhici karin lagama hadli karo doorasho, markaas in dildilaacii doorashada la kabo gacmaa lays qabsado iyo agabkii iyo diyaar garawgii doorashada in lays garab wado ayaa abada gudi loo sameeyay.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahai Cirro ayaa isaguna dhankiisa sheegay waxyaabaha lagu heshiiyay“Laba arimood ayaa laga hadlay oo ajandugu ahaa mid waxa uu ahaa doorashada midna waxa uu ahaa siyaadada ama gudaha ha ahaato ama dibada, qodobka hore ee ah doorashooyinka waxa laysla gartay in xisbi waliba uu lix xubnood soo xulo dabadeedna la gorfeeyo oo laga wada hadlo arimaha doorashada khuseeya, qodobka ku saabsan siyaasadana waxa laysla gartay kulankii ugu horeeyay ama is bedelada socda ha nqoto, gudaha iyo dibadaba waxii siyaasad ku saabsan in madaxweynaha labada guddoomiye iyo laba xubnood oo xisbiyada mucaaradka ah ka socda axada laysu yimaado oo laga wada hadlo arimaha khuseeya qaranka, labadaas arimood ayaa laysla soo qaatay waxbana maanta lama gudo galin laakiin waa loo balamay in arimahaas la gudo galo.”

Goobjoog News