U bood dhigaalka

Somaliland: Yaa Ka Dambeeyay Khilaafka Ragaadiyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid?

Sheeko:Dalka

Murashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Jamaal Cali Xuseen ayaa eedayn kulul u soo jeediyay guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu ku sheegay in uu yahay kan ka dambeeya khilaafka xisbiga in muddo ah ragaadiyay ee  doonaya inuu burburiyo  Ucid.

Jamaal Cali Xuseen oo wareysi dhinacyo badan taabanaya uu la yeeshay Kalsan TV ayaa eedeyn u soo jeediyay Kulmiye, waxaanuu yiri; ” Taasi waa mid jirta oo wey ka badheedheenba, iyagaa kuu sheegayaba, Muuse Biixi isagoo Borama jooga ayaa waxa uu yiri Faysal baa inla tartamaya isagoo og inaan masharaxii anigu ahay, way badheedheen waxay ka helayaan garan mayo, mid un baan ogsoonahay inaaney iga macaasheyn aniga oo ay ku burburi doonaan iyagu, haddii aniga ayba iga adkaadaan ninka burburindoonaa iyagana waa aniga iyo taageerayaasheyda, sababtuna waa xaqdaradu ma wanaagsana dadkana dulmi looma doonto”.

Murashax Jamaal ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in Muuse Biixi yahay shakhsiga diiddan in musharaxnimadiisu ay hirgasho;

” Waa Muuse Biixi, taasina in dadka loo qarqariyo maaha, anigu sidaan rumeysnahay waa ninkii ka dambeeyay in xisbigii Udub burburo, ninka Cali Warancadde kaxeeyay ee nagu soo ciyaarsiiyay, hadiyaddii markii dambe la siiyayna waxay noqotay wasiiru daakhiliga isagoon xisbiga Kulmiye ka tisaneyn deal(Heshiis) lala galay bay ahayd, xisbiga soo burburi adigana waxaan ku siinaynaa wasiiru daakhiliga ninkii dealkaa ka shaqeynayayna waxa uu ahaa Muuse Biixi waana la wada ogsoon yahay”.

“Halkii uu markii hore uu Warancadde ka adeegsanayay maantana Faysal Cali Waraabe ayuu ka adeegsanayay, laakiin Faysal ayay ayaan darro ku tahay, maxaayeelay? Xisbigii uu isagu aasaasay haddii cidke wax ku noqoto Faysal baa magacihiisu waligii taagnaan lahaa, midda kale raggii shalay burburinayay ee aan uga soo gurmanay weeyaan”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maxkamadda sare ee maamulka Somaliland ayaa go’aanno lagu xallinayo khilaafka xisbiga Ucid soo saartay 25 September, iyadoo wali aan la xallin khilaafkii xisbiga ee go’aanka maxkamaddu ahaa oo qura wadadii xalka lagu gaari ahaa.

Goobjoog News