U bood dhigaalka

SONNA: Xogga Dalka Ayaa Dilay Saddex ka tirsan Al-Shabaab

Sheeko:Amniga

Sida ay qortay SONNA, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saddex ka tirsan  Al-Shabaab waxay ku dileen tuulada Ceel-geeloow xilli ay Miino ku aasayeen Waddada, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le; Ismaaciil Cabdimaalik ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howl-galka uu ujeedkiisu ahaa ka sifeynta Al-shabaab ee Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo dhibaateeya Dadka shacabka ah ee safarka ah iyo Gaadiidka ay la socdaan.

G/le; Ismaaciil ayaa sheegay intii ay howl-galka ku jireen in ay kusoo saareen Miinooyin ay Al-shabaab galiyeen inta udhexeeysa Balcad iyo Jowhar, isagoo wacad ku maray in ay cadawga ka sifeyn doonaan halkaasi iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News