U bood dhigaalka

Soo Gudbinta Liiska Aqalka Sare Ee Gobollada Waqooyi Oo Laga Wada Hadlayo

Sheeko:Baarlamaanka

Wada Hadallo Laga Yeelanayo Soo Gudbinta Liiska Xubnaha Aqalka Sare Ee Gobollada Waqooyi

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen waxgaradka gobollada waqooyi ee hadda ku magacaaban Somaliland ayaa waxaa qorshaha uu yahay in la furo wada hadallo la doonayo in xal looga gaaro xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya gobolladaasi.

Iyadoo in muddo ah uu soo jiitamayay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah waxgaradka beelaha waqooyi oo ku saleysan hannaanka loo marayo doorashada aqalka sare ee xubnaha ka imaanaya Somaliland ayaa waxaa hadda la doonayaa in wada hadallo ay isugu yimaadaan dhinacyada ay quseyso arrintaasi.

Wada hadalladani ayaa qorshaha uu yahay in xal looga gaaro khilaafka ka taagan soo gudbinta xubnaha u tartamaya aqalka sare ee gobollada waqooyi iyo qabsoomidda doorashadooda.

Suldaan Saciid Diiriye oo kamid ah waxgaradkaasi ayaa Goobjoog News u sheegay inay filayaan in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo wada hadallada wuxuuna eedeeyay madaxda madasha qaran.

“Annaga waxaan fileynaa in muranka iyo khilaafka jira wada hadal lagu xalliyo, midda kale waxa weeyaan madasha qaran waxay qiyaameeyeen shacabka gobollada waqooyi oo ay cadaalad darro ku sameeyeen kuraastooda” ayuu yiri Suldaan Saciid.

Suldaanka ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan aysan ku qanacsanayn qoondada ay ka heleen aqalka sare ee Soomaaliya.

Liiska xubnaha aqalka sare ee gobollada waqooyi ayaa la filayaa inay ka soo muuqdaan xubno ka soo jeeda gobolladaasi oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo kuwa hadda ka haya, sida ay sheegayaan warar horudhac ah oo ay heleyso Goobjoog News.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa aqalka sare ee ka imaanaya loogu daray seddex xubin oo dheeraad ah marka loo eego kuwa ka imaanaya dowlad goboleedyada kale oo min siddeed xubin ah.

Marka laga soo tago howsha socota ee lagu xalinayo madmadowga ka jira soo gudbinta aqalka sare ee gobollad waqooyi maamulka Somaliland ayaa horey u caddeeyay mowqifkiisa oo sheegay in uusan shaqo ku lahayn doorashooyinka Soomaaliya ka qabsoomaya sanadkaan 2016-ka.

Goobjoog News