U bood dhigaalka

Soo Xulista Golaha Deegaanka Gaalkacyo Oo Gabogabo Ah

Sheeko:Dalka

Guddiga  Abaabulka soo xulista Golaha Degaanka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay in ay soo gaba gabeyeen wajiga Kowaad ee soo xulista Golahaasi.

Guddomiyaha Guddigaas Cabdi Casiis Axmed Bulxan oo la hadlay  Goobjoog News ayaa sheegay in codsiyo ay keensadeen 90 qof oo doonaya in ay ka mid noqdaan xubnaha golaha deegaanka.

Waxa uu sheegay in hadda wejiga Koowaad ay gebogabo tahay, islamarkaana ay soo dhameeyeen tira koobka rasmiga ah.

“Waxaa inoo yimid 90 qof oo doonayo in ay ka mid noqdaan golaha deegaanka ee Gaalkacyo, waxaan dhameynay shalay tirakoobkii guryaha magaalada Gaalkacyo, waxaana qof walba laga soo dooran doonaa laanta uu doonayo inuu matalo, magaalada dhan ayaa codeyn doonta” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha duddiga abaabulka soo xulista golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in isdaba marin lagu wado hanaanka loo soo xulayo golahaasi, waxaana uu sheegay in shacabka Gaalkacyo ay wax dooran doonaan.

Waxaa jiray waxgarad casbasho ka muujiyay nidaamka haatan loo soo xulayo golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News