U bood dhigaalka

Soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku howlan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dib ay u dhigeen soo xulista Xildhibaanadaasi, maadaama la guda galay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa beeniyay in muddo Afar Bil ah dib loo dhigay soo xulidda xildhibaanada, balse markii Ramadaan laga baxo lasoo xuli doono xildhibaanadaasi.

“Afar Bil dib looma dhigin soo xulidda Baarlamaanka, laakiinse waxaan dib u dhigannay oo kaliya bisha Barakaysan ee Ramadaan, wixii Ramadaan ka dambeeya howsha si caadi ah ayaan u wadeynaa oo xildhibaanada ayaa lasoo xulayaa” ayuu yiri Malaaqa.

Waxaa maalmahaan dambe soconayay hadal hayn ku aadan in Muddo Afar bil ah dib loo dhigay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo waxgaradka ay sheegayaan in muddo Bil ah oo kaliya dib loo dhigay.

Goobjoog News