U bood dhigaalka

Soo Xulista Xubnaha Golaha Deegaanka Boosaaso Oo Gabagabo Maraysa

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada golaha deegaanka ee Boosaaso ayaa uga digay soo xulayaasha xildhibaanada golaha deegaanka ee magaaladaasi, inay soo xushaan xildhibaanno aan u qalmin, xilli heer gabogabo ah la marayo.

Guddigaan oo isugu jira wasiiro, xubno ka tirsan maamulka gobalka Bari iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan ay uga tashanayeen qaabka loo wajahayo dhismaha xubnaha cusub ee ka mid noqonaya golaha deegaanka, waxa ay ku yeesheen xarunta gobalka ee Boosaaso.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Axmed Cilmi Karaash  oo kulanka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xubnaha cusub ee ka mid noqonaya golaha deegaanka Boosaaso ay mari doonaan imtixaanaad lagu ogaanayo heerkooda aqooneed.

“Waxaa jirta, horayna u sheegnay shuruucdana wey ku qoran tahay, nabadoonada, Odayaasha iyo beelaha xubnahaasi soo gudinaya, waxaa looga baahan yahay inay soo xulaan xubno u qalma shaqadaan loo dhiibaya, waxna u tari kara dalka iyo dadka, oo aysan noqon mid ay qatiyaan ka joogsadeen oo ay iska soo dirayaan, xubnahaas loo yeero ee saxiixayaasha ah waxaa imaan doonta in la kala baaro waliba aqoontooda ayaa la eegayaa” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Karaash ayaa dhinaca kale uga digay in xubnaha cusub ee lasoo dhisi doono in aanay dhaqaale soo raadsan, islamarkaana aanu jiri doonin wax mushaar ah oo lasiin doono.

Goobjoog News