U bood dhigaalka

Sool: Barakacayaal Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Qoysas ku barakacay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag ayaa la sheegayaa in halkaasi ay ku haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Waxay qoysaskaan tiro ahaan gaarayaan 1,200 (Kun Iyo Labo Boqol) o qoys, waxayna badi halkaasi deggan yihiin Hal sano, iyadoo ay jiraan qoysas kale oo ku biiray dadkaan kuwaa oo iyagana ka barakacay colaadaha Sool.

Qaar kamid ah dadka ku barakacay Fadhi-gaab oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay ineysan haysan biyo, caafimaad iyo sidoo kale meel ay degaan.

“Annagu waxaan ahayn noole noole ku nool, wixii aan ku nooleyn waa ay naga marteen, waxaan kaloo idiin sheegeynaa in aanu haysan biyo, daawo iyo wax walba oo ku saabsan nolosha” sidaasi waxaa tiri mid kamid ah hooyooyinka ku sugan halkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sool, ayaa isna ka codsaday Somaliland in gargaar degdeg ah loo fidiyo dadkan barakacayaasha.

Colaadaha ka jira gobolka Sool ayaa sababay in qoysas badan ay isaga barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen,  iyadoo dhanka kalena ay jirto saameynta abaartii SIMA.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada