U bood dhigaalka

Sool: Olole Ka Dhan Ah Xaalufinta Dhirta Oo Ay Ciidamadu Gacan Ka Geysteen

Sheeko:Dalka

Dadka ku nool deegaanka Xudun ee gobalka Sool oo kaashanaya wasaaradda deegaanka oo gacan ka helaya ciidama Milatariga Soomaaliland  ayaa howlgal ka sameeyay deegaanno hoos taga  dagmada Xudun, kaas oo lagu joojinayo jarista dhirta ee dhuxusha laga dhigo.

Howgalkan ayaana laga sameeyay deegaanka Xudun iyo deegaano hoos yimaada, halkaas oo ay ku sugnaayeen dadka dhirta  jara haddana dhuxusha u badala si ay lacago iyo ganacsi uga sameeyaan, 2 todobaad ayuu socday.

Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax  iskuduwaha wasaaradda deegaanka waxa uu sheegay in baaq qeylo-dhaan ah uu uga timid odayaasha  deegaanka, kadibna wasaaraddu deegaankaas ay ku baxday iyagoo gacan ka helaya ciidamada saldhigga sideedaad ee Milatariga.

“ Waxaan ka wadnay deegaanka Xudun iyo deegaanada hoos yimaada ololaha la dagaalanka xaalufka dhirta labadii todobaad ee la soo dhaafay, annaga oo kaa shaneyna ciidamada Milatariga ee saldhigga sideedaad iyo duqowda deegaanka, Annaga oo isku duuban waxaan bilaawnay howlgal lagu joojinayo dadka deegaanka lagu saliday ama dhibaatada iyo xaalufka ku haya, waxaan soo aragnay goobo badan ay ku diyaarin jireen dhirta oo aan soo gubnay kana soo aasnay godadkii”

Isuduwaha wasaaradda oo hadalkiisa siiwato waxa uu sheegay in dadka dhuxusha shida haddana ka gacanacsada ay horay u dhameeyeen dhirtii deegaanada sida Galoolka iyo Quraca, lakiin hadda ay jaris ku bilaabeen geedka Hareeriga oo manfac badan u leh dadka iyo xoolaha.

“ Awal deegaanka Sool dhuxu  waay ka ladneyd oo dadku waxa ay jari jireen geedaha Galoolka iyo Quraca lakiin hadda waxa ay bilaabeen inay jaraan geedka loo yaqaano Hareeriga kaas oo dadka iyo xoolaha mamfac u leh abaar iyo aaranba, dadkas waad dad shuftaa oo og inay danbiilayaalyihiin markay ciidanka arkaan waxa ay galaan buuraha dhulkana waa dhul aad buura badan”

Dhanka kale  Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax  waxaa xusay in dadkan jaraya dhirta ay jiraan dad ganacsata ah oo soo maalgaliya dhaqaalana ay  ku bixiyaan indhirta la jaro lana shido, waxa uuna sheegay in tilaabo sharciya laga qaadi doono.

“ Dhibatadaas dhirta lagu hayo, waxaa qeyb ka ah nimman ganacsata ah oo ayagu maalgaliya dhalinyarada reer miyiga ah iyo kuwa tuulooyinka jooga ku  yiraahda adinku soo shida annaga ayaa idinka  iibsanayno oo halkaan guryo waaweyn ku leh oo ganacsiyo ka dhistay, dadkaas ayaa qeyb weyn ka ah dhibaatada deegaanka lagu hayo oo qarash ku bixiya”

Ugu danbeyn iskuduwaha wasaaradda deegaanka dagmada Xudun Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax ayaa sheegan in maamulka deegaanka iyo duqoowda dhaqanka ay isla garteen in dadkaas gacan adag lagu qabto lana badbaadiyo deegaanka.

“ Waxaan islagaranay inay nimankaas danbiilayaal yihiin sharcigana la horkeeno wasaaradda sharcibaa uga yaala Soomaaliland sharci ayaa uga yaala, waxaan kaloo isla garanay in qofkii assaga oo dhirta jaraayo la dilo inaan cidna loo raacan odayaashuna waa ay saxiixeen”

Goobjoog News