U bood dhigaalka

Soolarku Ma Xallin Doonaa Qiimaha Korontada Ee Magaalada Muqdisho Oo Weli Qaali Ah?

Sheeko:Dalka

Dagaaladii horseeday bur-burkii dowladnimo ee sanandkii 1990-kii waxay meesha ka saareen adeegyadii bulshada, sida korontada, biyaha, caafimaadka waxbarashada iyo waxa la hal maala.

Waqti ka dib oo dalku uu galay dagaallo sokeeye oo aad loogu riiqmay markii ay dagaaladaasi dhamaadeen ka dib ayaa dadweynihii waxay dib ugu soo laabteen deegaanadoodii, iyadoo aaney jirin biyo, koronto, caafimaad iyo inta badan adeegyada bulshada.

Markii wax xoogaa xasilooni ah la helay oo dadkiina uu barkacii ka reysteen ayay soo baxeen baahiyo loo qabay adeegyada asaasiga isla markaana lagama maarmaanka u ah nolosha aadanaha oo ay ka mid tahay korontada.

Dadka magaalada joogay ayaa qaarkood ku fakaray sidii ay u maareyn lahaayeen korontada ay u baahan yihiin ee goobahooda ganacsiga, ama guryaha ay ku nool yihiin, sidaas daraadeed dadka qaar iyaga ayaa shidan jiray matooro yar yar oo ay dhigteen guryahooda, mehradahooda ganacsiga sida maqaayadaha, dukaamada, iyo wixii la mid ah.

Intaas ka dib waxaa ku xigtay in la hirgeliyey shirkado yar yar oo koronto siiya guryo u dhaxeeya toban ilaa labaatan guri, muddo ka dib oo ammaanka magaalada uu sidii hore soo dhaamay ayaa la suurta geliyey in la abuuro shirkado koronto oo shidi kara ugu yaraan laba ilaa sadex boqol oo guri.

Shirkadahaas waxay buuxiyeen baahidii koronto ee jirtay balse ma haqabtirmin baahidii guud ee adeeg koronto loo qabay, shirkadiihii ugu horreeyey ee muqdisho ka shaqeyn jiray dhinaca korontada waxaa laga xasuustaa shirkaddii korontada ee Elman.

Waxay aheyd marxalad koronto oo si tartiib tartiib ah u koreysay oo ay magaalada muqdisho soo martay, maanta waxaa la taagan yahay iyadoo lagu fakarayo in dabka korontada laga dhaliyo soollar si waxbadan looga faa’ideysto inkastoo daldaloolooyin iyo dhaliilo dhinaca adeega shirkadaha qaar ay weli taagan yihiin.

Shirkadda korontada ee BECO oo la aasaasay 5tii bishii May ee 2014-kii, Isla markaana ka kooban Saddex shirkadood oo mid kasta oo ka mid ah ay ka koobneyd shirkado yaryar oo isu tegay ayaa maanta ku fakareysa in Muqdisho laga hirgeliyo koronto Soollar ku shaqeysa sida uu Goobjoog News u sheegay Dr. xasan Suleymaan oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka ee shirkadda Beco.

“Solarka yaalla tuulada Daru-salam wuxuu hordhac u yahay kornto la doonayo in ay shiddo Muqdisho oo dhan taas oo ku shaqeyneysa tamarta cad-ceedda”

Dad badan ayaan wax weyn ka fahamsaneyn is bedelka dhici karaa haddii korontada solar loo bedelo, haddaba waa maxay ahmiyadda ay arrintan leedahay?

Arimaha ugu badan ee ay ku saabsan yihiin cabashooyinka ka yimaada dadweynaha isticmaala adeegyada koronto ee ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho ka hirgalay ayaa ku qotoma Qiimaha kilo Watt-ka korontada oo aad u sarreeya iyo sidoo kale daryeelka iyo la macaamilka macaamiisha oo iyaguna weli meel hoose taagan.

Qof ka mid ah dadka isticmaala adeegga korontada mid ka mid ah shirkadaha Muqdisho ka shidan oo naga codsaday in aan magaciisa Maxamed uun kusoo koobno ayaa sheegay in daqligiisu bishii isku cel-celis ahaan aanu ka badneyn laba boqol oo dollar islamarkaana biilka Korontada uu bil kasta bixiyo uu gaarayo Afartan dollar waana mid ka mid ah caqabadaha weli heysta macaamiisha.

Cali Maxmed cali oo aan kula kulanay xaafad ka mid ah magaalada muqdisho ayaa isna Sheegay in qiimaha korontada lagu iibiyo oo qaali ah iyo daryeel la’aanta macaamiisha ayaa ah dhaliilaha ugu waaweyn ee ka dhex jira shirkadaha Korontada bixiya ee Muqdisho.

Soomaaliya ayaa ah dalka qiima ahaan ugu adeega korontada adduunka oo dhan, tusaale maraykanka 1-kii kilo watt waxa uu ka joogaa 15-cent, oo kaliya oo u dhiganta Seddax Kun oo Shilin Soomaali ah, halka uu yurubna 1-kii kilo watt uu ka yahay 25-cent oo kaliya oo u dhiganta Shan Kun oo shilling Soomaali iyadoo Somaliyana uu ka taagan yahay 1-dollar waxaana taasi loo aaneeynayaa iyadoo aan laga faa’ideysan awooda cadceeda iyo tan dabeysha oo intaba koronto laga heli lahaa.

Waxaa xusid mudan in Yurub iyo Mareykan ay xilliyo kooban helaan qoraxda marka loo eego Soomaaliya oo Sanadka oo dhan Qorax la heli karo.

C/casiis Axmed Ibraahim waa bare sare oo culuumta dhaqaalaha iyo maamulka ka dhiga qaar ka mid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho ku yaalla, isaga oo u warramayay Idaacadda Goobjoog ayuu sheegay in qiimaha kacsan ee korontada ay tahay mid ka mid ah caqabadaha hoos u rujinaya hab-sami u socodkii Ganacsiga dalka.

Cabdi Abshir Dhoore oo ka mid ah rugta ganacsiga iyo warshadaha ayaa isna aaminsan in haddii si wanaagsan loo howlgaliyo shirkadaha Korontada isla markaana laga taxadaro qiimaha lagu bixinayo adeegga oo laga dhigo mid dadka oo dhan u sahlan in xittaa wax soo saarka warshadaha iyo ganacsiga dalka ay horumar weyn sameyn lahaayeen laakiin caqabaddu ay tahay korontadii oo qiimaha lagu bixinayo weli qaali ah.

Qiimaha korontada oo weli qaali ah oo lagu daray habka qancinta macaamiisha oo liita ayaa haddii la xaliyo loo arkaa in adeegga Korontada ee magaalada Muqdisho uu ugu yaraan ku dhawaan karo ama gaari karo horumarka dhinaca korontada ee ay gaareen qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Bal qiyaas sidee ayuu noqon lahaa horumarka ganacsi ee dalka haddii Korontada lagu heli lahaa 1-kii Kilo Watt 2 cent oo qura sida dalka suudaan ama 3 cent oo kaliya sida wadanka aan deriska nahay ee itoobiya.

Su’aasha kale isweydiinta mudan ayaa ah haddii la hirgeliyo koronto Soolar ku shaqeynaysa taasi ma xalin doontaa caqabadda ka taagan qiimaha korontada oo qaali ah.

Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Goobjoog News