U bood dhigaalka

Soomaali gaaraysa 20 qof oo lagu xiray dalka Angola

Sheeko:War

Ku dhowaad 20 ruux oo soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu xiray caasimada wadanka Angola.

Mid ka mid ah dadka soomaalida ku nool wadankaasi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Angoola ay xabsiga dhigeen ilaa 17 ruux oo soomaali ah, kuwaasi oo qaarkood ay wataan sharciga dalkaasi.

Ganacsade magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in aysan jirin cid kala saareysa dadka sharciga ku jooga dalka Angola iyo dadka sharci darrada ah.

Dhanka kale, Ilo ku dhow laamaha Amniga Angoola ayaa sheegay in badi dadka lagu heysto inay sharci darro ku galeen dalkaasi, halka kuwa kalana lagu heysto in magaalada Caasimada ah ay ka furteen ganacsi aysan dowladda ogeyn.

Ganacsatada Soomalida ee ku sugan qaar ka tirsan dalalka qaaradan Afrika ayaa la kulma falal ay ka mid yihiin dil, xarig, dhac iyo jir dil.