U bood dhigaalka

Soomaali Ku Dhibaateysneyd Dalka Liibiya Oo Lagu Soo Celiyey Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo celisay 12 dhallinyaro oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasi oo muddo ku dhibanaa dalka Liibiya.

Dhallinyaradan oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in dhib aad u adag ku haysta Liibiya, sidoo kalena markii ay dalkaasi u socdeen ay dhib badan qabeen.

C/raxmaan Xuseen oo ka mid a dhallinyarada lasoo celiyey ayaa shegay in ay la kulmeen dhac, jirdil iyo xabsi, muddo badanna ay Liibiya ku dhibanaayeen.

“Dhibta ugu daran ayaa ahayd in aan haysan nolol, xabsi aan ku jirnay, wixii aan haysannay nalaga qaatay, dad badan oo Soomaaliyeedna ay horteeda ku dhinteen” ayuu yiri C/raxmaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu uga mahadceliyey dib ugu soo celintooda magaalada Muqdisho, isaga oo dhallinyarada Soomaaliyeed uga dar-daarmay inaanay tahriib gelin.

Dalka Liibiya oo ay ku dhibban yihiin muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa hadane dhanka kale waxaa ka jira dagaallo sokeeye oo xaaladda sii cakiray.

Goobjoog News