U bood dhigaalka

Soomaali Ku Guuleysatay Doorashooyin Ka Dhacay Dalka Maraykanka

Sheeko:Dalka

Saddex qof oo Soomaali ah ayaa guul ka gaaray doorashooyin ka dhacay dalka Maraykanka, waxaana natiijadan noqotay mid dad badan soo jiidatay.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codod gaaraya 59,322 oo u dhiganta 48.1% waxaana ay kusoo baxday golaha congress-ka dalka Maraykanka.

Sidoo kale doorashooyinkan dhacay waxaa guul ka gaaray Hodan Xasan oo ku guuleysatay iyana golka Congress-ka Minnesota iyo sidoo kale Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay faarujisay Ilhaan.

Soomaalida Minnesota ayaa wada dabaaldegga guulahan ay gaareen Saddexdan qof oo Soomaalida Maraykanka ku nool ka mid ah.

Tartanka guulaha ay ka gaareen Soomaalidan ayaa ah midka Xisbiga Dimuqraadiga ah dhexdiisa ah, waxaana ay la tartami doonaan bisha November xubnaha kasoo baxa xisbiga Jamhuuriga.

Goobjoog News