U bood dhigaalka

Soomaali Ku Xanniban Xerada IFO Ee Kenya

Sheeko:Dalka

Qoysas Soomaaliyeed oo si iskood ah isku diiwaangeliyey iney dib ugu soo laabtaan dalkooda ayaa hadda waxay ku xanniban yihiin xerada IFO, iyaga oo aan haysan nolol wanaagsan.

Dadkaan oo ay ku jiraan Haween iyo carruur ayaa la sheegay in markii hore laga soo waday Xagar-dheer, loona soo waday Muqdisho, balse halkaasi lagu hakiyey.

Waxay dadkani qaarkood u sheegeen Goobjoog News in warqad laga diray Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho lagu amray hay’adihii dadkan soo qaadi lahaa in illaa ammar dambe dadkan la hakiyo waa sidey hadalka u dhigeene.

“Dhibaato badan baan ku qabnaa IFO, xagar-dheer baa nagala soo qaaday, markii aan raaad raacnay waxa na haysta waxaa naloo sheegay in Fakis laga soo diray garoonka Muqdisho oo la dhahay dadka hala hakiyo illaa ammar dambe” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegtay mid kamid ah hooyooyinka ku xanniban IFO.

Dadkan waxay sheegayaan in hadda aaney haysan raashiin, Biyo, iyo sidoo kale meel ay ku hoydaan, sababtuna waxay ku tilmaameen in laga soo kaxeeyay halkii ay ku noolaayeen.

“20 cisho ayaan ku jirnaa xeradan, alaabteenna qaar Xamar usoo dhiibbanay, qaarna waan gadannay, hadda meel aan ku laabanno malahan, wadankeenna ayaan rabnaa, dhibaato badan baa na haysa, meel cidlo ah baan fadhinnaa, UN waxay leeyihiin Soomaaliya baa la idiin ka haystaa” sidaasi waxaa yiri Aabe Soomaaliyeed oo magaciisa ka gaabsaday misane halkaasi ku xanniban.

Wadarta guud qoysaska Soomaaliyeed ee hadda ku xanniban IFO gaar ahaan qeybta dadka dhoofaya loogu talogalay waa 545 qoys, waxayna dhammaan yihiin dad doonaya in dalkooda usoo dhoofaan.

Goobjoog News