U bood dhigaalka

Soomaali Ku Xirneyd Xabsiyada Liibiya Oo La Keenay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Diyaarad siddey 151 qof oo maxaabiis Soomaaliyeed ah, kuna xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya ayaa saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa diyaaraddan la socday safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, iyadoo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ay kusoo dhoweeyeen garoonka Aadan Cadde.

Safiir Fiqi ayaa u sheegay warbaahinta in dedaal badan ay arrintan ku bixisay dowladda federaalka ah, islamarkaana ay diiwaangeliyeen 300 oo maxaabiis Soomaaliyeed ah si dalkooda loogu soo qaado, ayna hadda suurtagashay 151 in dalka la keeno.

Dhammaan dadkan saakay la keenay oo u badan dhallinyaro ayuu sheegay safiirka in si iskood ah ay isku diiwaangeliyeen, islamarkaana ay doorteen in dalkooda loo soo celiyo.

“Waxaan diiwangelinnay 15 maalin gudaheed illaa 300 qof oo doonaya in dalka lagu soo celiyo, 151 ayaan keennay, waadna aragtaan farxadda ka muuqata wejiyadooda, kuwa kalena waa la keenayaa” ayuu yiri safiirka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidan oo kale waxay magaalada Muqdisho u keentay dhalliyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada Liibiya, halkaasi oo ay dhibaato badan ku haysay.

Goobjoog News