U bood dhigaalka

Soomaali Laga Siidaayay Xabsi Ku Yaalla Dalka Libya

Sheeko:Amniga

Tiro dad ah oo isugu jira Muhaajiriin iyo Qaxooti ayaa laga siidaayay Isniintii Xabsi ku yaalla dalka libya,waxaana badi dadkaasi ay ka tageen dalalka Soomaaliya,Ereteriya iyo Itoobiya.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCH ayaa sheegtay in dadkaan lasiidaayay,iyada oo la siiyay adeegyadii ay u baahnayeen,sida deegaano ay sii dagaan ilaa iyo inta laga daad gureynayo, waxana la sheegay in dadkaasi ay ku jiraan laba Carruur ah oo umusha lagula jiro.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNCH oo lagu Magacaabo Bieber Bloch ayaa sheegay in Hay’addu dadkaasi ay siineyso Cunto, Guryo, Daawooyin iyo talooyin la xiriira dhinaca maskaxda ah si looga caawiyo dhibaatooyinkii ay soo mareen intii ay Xabsiga ku jireen.

“Xaalada Xabsiga waa kuwo adag in lagu noolaado goob dadku ay ka tiro bateen,ayada oo aysan jirin wax neecaaw ah oo dadka u soo geleyso waa mid adag,qeyb ahaan xarunta dhexdeeda musqulaha ayaa ah kuwo buux dhaafay taasi aawgeedna qashin qub ayaa laga dhigay qolalka Xabsiga,waxeyna leeyihiin qataro halis ah ayuu yiri Bieber Bloch.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in xabsiyada ku yaalla dalka Libya gaar ahaan tripoli ay  ku  xir xiran yihiin in ka badan saddex Kun oo magangalyo doon ah iyo kuwa tahriibayaal ah,kuwaas oo markii hore laga soo badbaadiyay dooman ee saarnaayeen dalkaasi Libya.

Goobjoog News