U bood dhigaalka

Soomaali Lagu Dilay Magaalada Harar

Sheeko:Caalamka

Wararka ka imaanaya Magalaada Harar ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidanka IsMaamulka Oromada ay dileen shan qof oo Soomaali ah iyada oo sidoo kale ay dhaawaceen labo kale.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay qabteen dadkaan islamarkaana ay Madaxdyada ka wada toogteen  saddex ka mid ah dadka la dilay ayaa la sheegay in dhowaan laga soo siidaayay Xabsiga loo yaqaanno “Jeel-ogaadeen” kadib Markii Ra’iisulwasaare Abiy uu amar ku bixiyay in la siidaayo dadka ku xiran xabsiyada Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada wada-dega Itoobiya ayaa ah mid Maalimba Maalinta ka dambeyso cirka isku sii shareereysa.

Deegaannada ay ka kala arimiyaan labadaan Qoomiyadood ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka iyada oo weli aysan jirin wax tallaab ah oo ay qaaday Dowladda dhexe ee Itoobiya .

Oromada Itoobiya ayaa horay waxaa ay u dileen dad badan oo Soomaali ah iyaga oo sheegaya in ay u aar gudayaan Oromo lagu dilay deegaannada Soomaalida.

Ma jirto xal rasmi ah oo ilaa iyo hadda Muuqda kaasi oo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac.

Goobjoog News