U bood dhigaalka

Soomaali Lagu Toogtay Syria

Sheeko:Dalka

Ururka la socodka xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria islamarkaana fadhigiisu yahay magaalada London ee Ingiriiska ayaa sheegay in nin Soomaali ah, kana tirsanaa Daacish lagu toogtay gudaha Syria.

Ninkaan ayaa gudaha dalkaasi waxaa looga yaqaanay Abuu Hureyra Al Soomaali, waxaana isaga iyo rag la socday jidka u galay dabley hubeysan, sidaas ayuuna ku dhintay.

Xilliga weerarka uu dhacayey ayaa Soomaaligan iyo dadkii la socday waxya ku jeedeen gobolka Idlib ee dalka Syria.

Dhallinyaro Soomaali ah, balse haysta dhalashada dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa horey ugu biiray kooxda Daacish ee dalka Syria ka dagaalanta.

Goobjoog News