U bood dhigaalka

Soomaali Loo Diiday In Ay Kasoo Degaan Dekadda Berbera Oo Ku Hanjabay In Badda Ay Isku Tuuri Doonaan Iyaga Iyo Caruurtooda (MUUQAAL)

Sheeko:Dalka

Maalintii shalay ahayd waxaa dekadda Magaalada Berbera kusoo xirtay dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka soconaya dalka Yemen, kuwaasi oo cadibaad kala kulmay maamulka Somaliland.

Doonida dadkaan ay saarnaayeen waxa la socday muwaadiniin u dhashay dalka Yemen, waxaana markii uu Markabka halkaasi tagay is hortaag ku sameeyay in dadka lasoo dejiyo Mareeyaha dekadda Magaalada Berbera.

Maamulka magaaladaasi oo soo gaaray Dekadda ayaa kormeeray dadkaasi si ay u kala hubiyaan halka ay kasoo jeedaana deegaan ahaan, dadkaasi waxa ay u bateen dad kasoo jeeda deegaanada Somaliland, marka laga reebo Hal Qoys oo gobalada Koonfureed ah.

Waxaa meesha ka dhashay muran xoogan, iyadoo dadkii loo diiday in ay degaan, laguna amray in cagta aysan soo dhigin dekadda.

Hadaba haweenkii saarnaa Markabkaasi oo caruur ay ka xanuunsanayeen ayaa ku qeylo qaaday in aan la kala takoorin dadka Soomaaliyeed, waxaana ay sheegeen hadii loo ogolaan waayo in ay soo degaan in iyaga iyo caruurtooda Badda isku tuuri doonaan.

Muran iyo xanibaad dheer ka dib maamulka magaalada Berbera ayaa Taleefanka kula xiriiray wasiirada maamulka Somaliland oo ugu dambeyn aqbalay in dadkaasi lasoo dejiyo.

Hoos ka daawo Muuqaalka iyo Qeylada ka baxayso dadkii kasoo cararay Yemen.

Goobjoog News