U bood dhigaalka

Soomaali Qaxooti Ku Ahaa Dalka Kenya oo Maanta Loo Soo Qaadayo Degmada Dhoobleey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

qaxWaxaa maanta degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose la filayaa in la keeno dadkii ugu horeeyay oo Soomaali ah, kuwaa oo Qaxooti ku ahaa dalka Kenya.

Tiro ahaan dadka maanta la keeni doono Dhoobleey waa 100 qof oo si iskood ah isku diiwaan geilyay si dalkooda loogu qaado, waxay soo gaari doonaan degmada Dhoobleey, waxaana la filyaa in halkaasi looga sii gudbiyo deegaanada dadkaan ay deganaayeen.

Siyaad Xasan Uleex oo ah gudoomiyaha Degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay ku jiraan diyaar garoow balaaran, ayna doonayaan in ay soo dhaweeyaan dadkaasi.

“Dadkaan maanta ayaa la keenayaa degmada Dhoobleey, waxaana imaanaya 100 qof ee ugu horeeyay, kuwo kalena waa la filayaa, waxaa loo diyaariyay xarumo dadka lagu qaabilo si ay u nastaan, waxaana look ala gudbin doonaan deegaanadii ay ka yimaadeen” ayuu yiri Gudoomiye Siyaad.

Dadkaan maanta la filayo in ay soo gaaraan degmada Dhoobleey waxay dalka ka maqnaayeen in ka badan 20-sano, hase ahaatee waxay go’aan ku gaareen in dalkooda loo soo celiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga gudoomiyaha Dhoobleey.

 

Goobjoog News