U bood dhigaalka

Soomaalida Ku Dhaqan Koonfur Afrika Oo Xilligaan Wal Wal Soo Wajahay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

South AfrikaSanadka walba markii la gaaro bisha ugu dambeysa ee 12-aad ama December waxaa wal wal xoogan oo soo wajahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku haysta wadana Koonfur Afrika.

Sida dhacday sanado badan xilligaan oo kale waxaa la dilay dad Soomaaliyeed oo ganacsanayay, waxaana sidoo kale la boobay hanti aad u badan, taasi oo ah dadka Madoowga Koonfur Afrika oo raadinaya qarashaadkii ay ugu dabaal degi lahaayeen sanadka cusub.

Mid ka mid ah Soomaalida ku sugan magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wal wal xoog badan ay ka qabaan in lasoo weeraro goobahooda ganacsi.

Waxa uu sheegay in dadka cabsida qaba ay ugu daran yihiin dadka ku ganacsada deegaanada aan magaalada ahayn, kuwaa oo noloshooda uu ku sheegay in halis ay ku jirto.

Ganacsiga markii xilligaan la gaaro waxa uu noqdaa mid is fur fura, waxaa soo bata dadka iibsanaya waxyaabaha ay muhiimka u ah ee ay ku doonayaan in ay ugu dabaal degaan Sanadka cusub.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso.

Goobjoog News