U bood dhigaalka

Soomaali Waxyeello Kasoo Gaartay Dagaal Ka Socda Koonfurta Sudan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan madaxweynaha Koonfurta Sudan iyo ku xigeenkiisa ayaa goor dhow dib uga billowday magaalada Juba oo xarun u ah dalkaasi.

Dagaalkaan oo khasaare kala duwan dhaliyey ayaa dadka waxyeellada kasoo gaartay waxaa ka mid ah muwaadin Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan qaarkood oo goor dhow la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Hal qof oo Soomaali ah ku dhaawacmay dagaalkan, iyagana ay go’doon ku jiraan.

Waxa sheegeen in aanay garaneyn meel ay u baxaan maadaama dushooda dagaal xooggan uu ka socdo kana baqayaan in waxyeello soo gaarto.

Soomaali badan ayaa ganacsi ku haysta dalka Koonfurta Sudan gaar ahaan magaalada Juba oo hadda dagaal xooggan uu ka socdo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News