U bood dhigaalka

Soomaalida Koonfur Afrika Oo Sheegay In Ay Dhibaato Ku Qabaan Nolosha Dalkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

south-africaMuwaadiiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Koonfur Afrika ayaa Qaarkood waxay sheegeen in dhibaatooyin badan ay ku qabaan nolosha wadankaasi.

Mid ka mid ah dadka halkaasi ku nool oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin aad u badan, taa oo keentay in dad badan ay halkaasi isaga cararaan.

Dhibaatooyinka ayuu ku sheegay in ay kala yihiin Laba arin oo ay ka mid tahay kuwo Soomaalida ay isku geystaan, ayna dhacdo in dhexdooda ay dad isku adeegsadaan.

“Soomaalida dhibaato badan ayaa haysata, marna iyaga ayaa isku dira dadka madowga ah, ma ogola in qof walaalkiis ah uu ka agfurto Dukaan, mida kalena Madowga ayaa mararka qaar dhan iyo dil nagu haya”

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool Soomaali aad u badan, waxaana ay yihiin qaarkood kuwa halkaasi ka shaqesta, balse dhibaatada ugu weyn ayaa ah in la dilo, dhaawaco ama hantidooda la boobo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News