U bood dhigaalka

Soomaalida Ku Nool Magaalada Hydarabad Oo Cabasho Ka Muujiyey Safaaradda Soomaaliyeed Ee India

Sheeko:Dalka

Soomaalida ku dhaqan magaalada Hydarabad ee dalka India ayaa cabasho ka muujiyey safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi, kadib markii ay sheegeen in shaqada sidii la rabay aanay u qaban.

Liibaan Cismaan Cali Mire oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Hydarabad tan iyo sanadkii 2007 ayaa u sheegay Goobjoog News in magaalada Hydarabad aysan safaaradda ku lahayn qunsuliyad taasina ay keentay in dadka Soomaaliyeed ay caqabado badan la kulmaan.

Waxa uu tilmaamay in India ay ku sugan yihiin dhallianayaro badan oo Soomaaliyeed misane wax bartay, hase ahaatee illaa iyo haatan ay la yihiin warqadihii ay daalkooda kusoo aadi lahaayeen.

“Safaaradda caqabado badan ayaa lagala kulmayaa shaqadeeda sidii la rabay uma qabato, waxaa naga maqan cid inoo doodda markii aan dhibaato la kulanno, dhallinyarada Soomaaliyeed iyaga ayaa isku gurmada bedalkii safaaradda ay inoo gurman lahayd, safaaradaha meeshan waxay ua joogaan hab qabiil sidaan aniga dareemayo, waxaan u baahnaan lahayn in dowladda Soomaaliyeed ay halkaan safaarad awood leh keensato” ayuu yiri Liibaan.

Ka sokow cabashada uu gudbinayo Liibaan waxaa jira dhallianyaro Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyo ku yaalla India kuwaasi oo la safaarad raadisa xuquuqdooda.

Goobjoog News