U bood dhigaalka

Soomaalida Ku Sugan Magaalada Cadan Ee Dalka Yemen Oo Xaalad Adag Soo Wajahday (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool magaalada Cadan ee dalka Yemen ka dib markii ay ka go’een wixii sahay ahaa oo ay heysteen.

Wariyaasheena ku sugan dalka Yemen oo muddoyinkaan halkaasi howlo shaqo u joogay ayaa soo sheegaya in dadkaan aanay haysan wax sahay ah, islamarkaana xaaladooda meel halis ah ay joogto.

Marka laga tago dadka usoo ambabaxay Soomaaliya iyo kuwa kale ee weli jecleysanaya in ay Yemen kusii noolaadaan ee gaaray  meelaha xasiloonidu ka jirto  sida magaalada Mukalla  deegaanada Buwesh, Xarshiyad ee gobolka Xadra-Mowt dhinaca kale waxaa jira  qaxooti Soomaaliyeed oo weli ku dhibaataysan magaalada Cadan

Saalim Nuur Cali waa Aabe ay la socdaan Afar caruur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisa waxa uu soo gaaray dhowr maalmood kahor magaalada Mukalla ee dalka Yemen.

Saalim waxa uu jeclaa in uu Soomaaliya ku laabto si isaga iyo qoyskiisuba ay nolol halkaasi uga bilaabaan,  laakiin waxaa safarkiisa Soomaaliya hadda dib u dhigay in uu nolol geeri meel ku ogaado gabar la dhalatay oo markii ugu danbeysay ka mid ahayd dadkii Soomaaliyeed ee ku go’doonsanaa magaalada Cadan.

Ma’ahan Saalim iyo Walaashii oo keliya dadka isku waayay dagaallada ka dhacay dalka Yaman ee waxaa jira qoysas badan oo Soomaaliyeed oo isku waayay dagaallada kuwa kala go’doomay, kuwo dhintay iyo kuwo aan meel isku sheegin nolol iyo geeri.

Qaar ka mid ah qaxootiga Soomaliyeed ee kasoo cararay xaafadda Basaatiin ee magaalada Cadan oo ka mid ah meelaha ugu daran oo ay dagaalladu saameeyeen ayaa Goobjoog u sheegay iney aad u liidato xalada qaxootiga Soomaaliyeed ee Cadan ku harsan oo hadaan laga gaarin madaafiicda ka sokow gaajo iyo haraad iney u dhintaan ay macquul tahay

Hadda badi dadka Soomaaliyeed  ee weli ku harsan dalkan Yemen waxaa rajo geliyay qabsashada magaalada Cadan oo gacanta u gashay ciidama koofurta ee taabacsan madaxweyne Cabdi Rabo Mansuur in kastoo saacad iyo waqti kasta la filan karo isbedel kale maadaama weli maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku xoogan yihiin agagaarka magaalada Cadan iyo magaalooyin badan oo dalkaas ka tirsan.

Hoos ka arag Sawirada

 

DSC05081 DSC05083 DSC05093 DSC05094 DSC05095 DSC05098 DSC05035 DSC05039 DSC05043 DSC05052 DSC05053 DSC05054 DSC05056 DSC05058 DSC05059 DSC05061 DSC05062 DSC05074 DSC05077

 

Maxamed Salaad Cismaan

Goobjoog News

Mukalla, Yemen