U bood dhigaalka

Soomaalida Mareykanka Oo Ku Dibadbaxay Donald Trump

Sheeko:Dalka, War

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa dhigay dibadbax ka dhan ah murashaxa jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii uu weerar afka ah ku qaaday qaxootiga Soomaalida ee Mareykanka.

Trump oo soo xiganayey qoraal ay sameysay wargeyska Washington Times 2015kii, waxaa uu sheegay in Soomaalida qaxootiga ku ah  Minnesota ay shaqo la’aan heyso arrintaasna ay dhiirigelineyso kooxaha argigixisada in ay ka faa’ideystaan.

Iyadoo taasi laga jawaabayo, Waxaa magaalada ka dhacay dibadbax lagu diidan yahay siyaasadaha Donald Trump ee ku  aadan Soomaalida iyo Muslimiinta Mareykanka.

Ilaa 200 oo qof ayaa isugu soo baxay halkaas, dadkaas oo intooda badan oo caddaan ahaa ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Donald Trump.

Erayo ay ka mid yihiin” Jaceyl badan, Ma jiro naceyb, waxaan jeclahay dariskeyga” ayaa goobta looga dhawaaqayey, dadka qaar waxaa ay kor u qaadeen dastuurka dalkaas.

Goobjoog News