U bood dhigaalka

Soomaaliland: 19 Qof oo Cusub ayaa Laga Helay Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Dalka

Soomaaliland ayaa shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay  19 qof oo cusub uu cudurka soo ritay,  iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 8 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 8 qof.

Sidoo wasaaradda ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay in xanuunka ay u geeriyoodeen 2 qof.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 87 kiis.

Guud ahaan dalka waxaa xanuunkaan laga helay 1,219 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Goobjoog News