U bood dhigaalka

Soomaaliland Oo Beenisay In Itoobiya Ay Hakisay Heshiiska Dekadda Berbera

Sheeko:Dalka

Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu beeniyay warar shalay lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegayay in dowladda Itobiya ay hakisay heshiis 19% oo ay qeyb uga tahay qandaraaska lagu hormarinayo dekadda Berbera.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah islamarkaana aysan jirin wax wara oo ka soo baxay dowladda Itoobiya oo ay uga baxday heshiiskaasi.

Sidoo kale wasiirku waxa uu tilmaamay in warkaasi ay baahiyeen dad dana gaara leh islamarkaana aysan ahyn arrin sal iyo raad toona leh, waxa uuna dhinaca kale sheegay in aysan jirin in dowladda Imaaraadka ay iyaduna ka laabatay saldhigii mileteri ee ay ka dhisaysay Soomaaliland.

Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday warar sheegayay in dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ay ka baxeen heshiisyo ay horey ula galeen maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi ee Soomaaliland.

Goobjoog News