U bood dhigaalka

Soomaaliland Oo Muddo 4 Todobaad Ah Hakisay Duulimaadyada Muqdisho, Akhriso Sababta

Sheeko:Dalka

Qoraal ka soo baxay guddiga ka hortagga iyo u diyaar garoowga xanuunka Coronavirus ee maamulka Soomaaliland, ayaa waxaa muddo 4 todobaad ah lagu hakiyay duulimaadyadii magaalada Muqdisho sabab la xiriirta in kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxaya Soomaaliland ayaa waxaa lagu mamnuucay waddamada uu sida darran u saameeyay cudurka ee kala ah Iiraan, Shiinaha, Talyaanig, Kenya, Faransiiska iyo Kuuriyada Koonfureed aysan muddo 4 todobaad ah duulimaadyo ku imaan Karin Soomaaliland.

Dhinaca kale Soomaaliland ayaa waxa ay fasaxday dhamaan goobaha waxbarashada ee deegaanadeeda sida dugsiyada, iskuulada iyo Jaamacadaha.

Waxaana sidoo kale amar loo jeediyay imaamyada masaajidda oo la faray in muddo 4 todobaad ah ay salaadda faralka ah ku soo koobaan 25 daqiiqo sidoo kalane ay xiraan musqulaha masaajidda ku dhexyaala iyo goobaha lagu weysaqaato.

Halkan ka akhriso bayaanka ay soo saareen guddiga

Goobjoog News