U bood dhigaalka

Soomaaliland Oo Si Kulul U Cambaaraysay Hadalkii Danjire James Swan

Sheeko:Dalka

Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay hadal ka soo baxay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee James Swan kaasi oo ahaa in uu la socon doono geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya islamarkaana ay qeyb ka tahay xukuumadda Muuse Biixi.

Qoraal ka soo baxay wasiirka warfaafinta Soomaaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa waxaa lagu caddeeyay sida maamulkaasi uu uga xun yahay in xilligaan qaramada midoobay ay tilmaamaan in ay la socon doonaan dhaqdhaqaaqa doorashooyinkooda.

Wasiirka ayaana yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba”

Dhanka kale xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxa ay beesha caalamka ugu baaqday in ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara madaxbanaanida iyo jiritaanka Soomaaliland sida lagu sheegay warsaxaafadeedka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee maamulkaasi.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta oo ihaanno iyo liddi ku ah nidaamka dimuqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland oo ay taabogeliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay Xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliland.

Halkan ka akhriso warqada ka soo baxday Soomaaliland

Goobjoog News