Soomaaliya: 26 Sano Oo Burbur Ah Kadib…Maloo Baahan Yahay Isbadal?

Maanta waa 26-ka January, waxaa 26 sano laga joogaa markii ay burburtey dowladnimadii Soomaaliya. Hadaba, inta aanan ka hadlin sababihii burburka keeney iyo Natiijada ka dhalatey, waxaa hubaal ah in cidina aaney maanta raalli ka aheyn nolosha aan ku jirno, sidaa darteed doorashada madaxtinnimada ee February 8, waa in dalka uu isbadal ka dhaco, weliba wejiyo keliya ma ahee in isbadal uu kulmiyaa sidoo kale maamulka iyo maareynta iyo dhammaan hey’adaha dowladda oo hadda ay ka muuqato daal iyo diif.

Haddii aan u soo laabano qoraalkeena, Dowladdii Maxamed Siyaad oo dalka ka talineysay 21 sano, waxaa xukunka laga tuurey maanta oo kale 26 sano ka hor, taasi oo dalka gelisay dowlad la’aan iyo burbur aan weli laga soo kaban.

Hadaba Maxaa Keeney In Dowladdas Militariga Aheyd Burburto:

Waxaa jira sababo badan oo keeney burburkii dowladii Jaalle Siyaad, waxaan ka soo qaadan karnaa, keligii taliyennimada, axsaaba uu mamnuucey, xeerka qoyska iyo culimadii uu laayey, dagaalkii Xoreynta Soomaali Galbeed, Inqilaabyo dhicisoobey, dhibaatadii uu u geystay gobollada, beelaha qaar iyo arrimo kale.

Keligii Taliyennimo:

Maxamed Siyaad markii uu dalka qabsadey October 21, 1969-kii, waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii  SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo, sheekada waxaa lagu soo koobey Jaalle siyaad, 21 sano dalkan isaga ayaa keliya ayaa loo heesi jirey, Ciidanka waa isaga, Waxbarashada waa isaga, Warshadaha iyo Horumarka waa isaga, Hanti-wadaagga waa isaga……dalka dhan hadal-heynta waa ammaantiisa alleen waa Jaalle Siyaade!!

Kala Dirista Iyo Sumcad Dilkii SYL:

Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda.

Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay  in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda.

Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka.

Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale.

Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay.

September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad  kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta.

October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State.

May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”.

January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975.

July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray  dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay….sida uu ii sheegey General Galaal maalintaas ayuu dalka burburey, una dhammaatey dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas.

May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona.

May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group)  ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray.

Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay January 27, 1991-kii kadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC iyo jabhado kale, maalintaasi kadib dalka waxaa uu galay dhibaato ka daran middii kuu dalka ku hayey Siyaad Barre.

Burburkii Kadib, waxaa dalka ka dhacey dagaallo sokeeye, waxaa bilowdey kooxeysi, Muqdisho waxaa muddo ka badan 10 sano dhex yiiley khad cagaaran, magaalo kasta oo dalka ah waxaa qabsadey hogaamiye kooxeed, waxaa caadi iska noqotey dilka, dhaca iyo kufsiga.

Hadaba halkan ka akhriso Waxyaabihii ugu muhiimsanaa Burburkii Kadib:

May 18, 1991: Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku dhawaaqey in ay ka go’een koofurta Soomaaliya, ilaa iyo hadda wada hadal ayaa socdo, laakin laguma guuleysan in gobolkaas uu qeyb ka noqdo federaalka Soomaaliya.

Shirarkii Dib U Heshiisiinta:

Markii uu burburka bilowdey ilaa 2009-kii, waxaa Soomaaliya loo qabtey shirar badan oo dib u heshiisiin ah, qaar shirarkaas ka mid ah waxaa ay socdeen sanado badan, shirarkii dib u heshiisiinta burburkii kadib waa: Shirkii Djabuuti ee June 12, 1991-dii, Kadib shirkii lagu doortey Cali Mahdi ee July 1991, Shirkii UN-ka ee Adis Ababa, 1993, Shirkii Sodare 1 997-dii, Shirkii Qaahira 1998, Shirkii Ceel-Berde  2001, Shirkii Carte 2000, Shirkii  Eldoret iyo Mgbahti  2002-2004 iyo Shirkii Djabuti ee 2009-kii ee lagu doortey Sheekh Sharif…..shirarkaasi intooda badan waa burbureen, 4 ka mid ah waxaa lagu dhisey dowlado kuwaas oo nasoo gaarsiiyay heerka ay Soomaaliya maanta joogto.

Maxaakiimta Islaamiga:

Waxtar la’aanta dowladihii KMG ahaa iyo dhibaatadii oo ku sii badatey reer Muqdisho, waxaa ay dhisteen 2005-tii, Midowgii Maxaakiimta Islaamka, Waxaa ay ujeedada aheyd in dhibka iyo Mashaakilka magaalada ka jirey la xalliyo sida dhaca, dadka oo la iska xirto,  Baabuurta oo la furfurto iyo qof loo dilo qabiilkiisa.

Midowga Maxaakiimta waxaa ay ka koobnaayeen: Maxkamadda CC ee Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Maxkamadda Ifka Xalane ee Sheekh Xuseen, Maxkamadda Shiirkole ee Sheekh Cabdiqadir Cali Cumar, Maxkamadda Xararyaale ee Sheekh Indh-Jiir, Maxkamadda Warshadda Caanaha ee Sheekh Ibrahim, Maxkamadda Al-Furqaan ee Macalin Axmed iyo Maxkamadda Dayniile ee Macalin Salaad, Waxaa guddoomiye laga dhigay Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Markii ay xoogeysteen waxaa ay dagaal la galeen hogaaye kooxeedkii Muqdisho, iyagoo Muqdisho gacanta  ku dhigey kana dhigey meel nabad ah, laakin xasiloonidaas ma sii jirin oo waxaa Muqdisho soo galey Xabashida, wixii dhacana waa taariikh la wada ogyahay, laakin waxaa xusid mudan in xiligaa ay dagaalka ku jireen ilaa 12 qeybood oo bulshada ka tirsan sida Kooxaha Islaamiyiinta ee Maxakiimta, Xisbul Islaam, Al-shabaab, ganacsato iyo kooxo kale oo badan oo dhamaan ujeedadoodu aheyn bixitaanka Xabashida ay ka baxdo Muqdisho iyo Soomaaliya.

Dowladihii Kala Duwanaa:

16-kii ee sano ee ugu dambeysay waxaa dalka soo marey 3 nidaam oo kala duwan, nidaamka TNG-da ee 2000-2004-tii, Nidaamkii TFG-da ee 2004-2009-kii iyo ugu dambeyntii nidaamka FG ee soo bilowdey 2012-kii, nidaamkan dambe dartii hadda waxaa Soomaaliya ka jiro 5 maamul goboleed oo kala ah Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.

Dowladda Federaalka Waa Mid Liidata:

Dalka waxaa ka jirto dowlad federal ah laakin waa mid aan xoog laheyn, tusaale ahaa shaqaalaha rayidka ah ee u shaqeeya waa shan kun(5000) oo keliya, xagga amniga ma dhaqaaqi karto dowladda AMISOM la’aantood, Dhaqaalaha waa dhibaato kale oo dowladda federaalka waxaa ay 100% ku tiirsan tahay beesha caalamka deeqaha, kaalmada iyo deymaha ay bixiyaan, waxaa intaa dheer 10-kii sano ee ugu dambeeya dalkeena Soomaaliya waa dalka ugu musuqa badan ee caalamka…..taasina ma aha mid uu dal ku dhismo ama ku hormaro.

Hadaba, waxaa muhiim ah in Soomaaliya ay ka gudubto xusuusta dowladda Maxamed Siyaad, dadka qaar waxaa ay ugu yeeraan beri-sammaadkii, Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay madaxweyne iyo dowlad ku riyooda Soomaaliya oo ugu xoog, dhaqaale iyo sumcad badan geeska Afrika, sida dowladdaasi loo helo waa in dalka uu isbadal ka dhacdo February 8, 2017-ka.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW