U bood dhigaalka

Soomaaliya: 5.4 Milyan Ayey Abaartu Saameysay, 2.2 Milyan Oo Ka Mid Ah Waa Macluul

Sheeko:Dalka

Roob la’aanta sanadkii hore dhamaadkiisa iyo sanadkan bilowgiisa dhacdey darteed ayaa sabab u noqotay iney kuleyl daran iyo abaaro ka dhacaan gudaha Soomaaliya.

 Roob yarida bilaha u dhaxeeyey March iyo  May ee sanadkan ayaa xaaladda uga sii daray, oo ay sii dheer tahay dadka oo la il-darnaa dagaalada, barakaca qasabka ah, abaaraha Iyo cuduro dilaacay sida shuban biyoodka.

 Abaarta hadda ka  jirta Soomaaliya waxaa uun ka xoog badneyd tii  dhacday sanadkii 2011-kii oo ay ku dhinteen 250,000.

Hadda waxaa gargaar u baahan  ilaa 5.4 million, dadkaasi 2.2 million ka mid ah waxaa ay u baahan yihiin cunno degdeg ah.

Soomaaliya  ilaa 2.6 million ayaa hadda barakac ku ah gudaha Soomaaliya, 2,000 oo meel ayey joogaan barakacayaal, bil kasta ilaa 26,000 ayaa si  kumeel gaar ah looga qixiyaa deegaan ay joogaan magaalooyinka.

Waxaa dhibaatada qeyb ka ah Al-shabaab oo la leeyahay caruurta ay wey afduubaan, weyna askareeyaan.

Ilaa 870,000 oo Soomaali ah ayaa qaxooti ku ah dalalka Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Yemen.

Goobjoog News