U bood dhigaalka

Soomaaliya: 5.4 Milyan Oo Gargaar Banii’aadnimo U Baahan..Nafaqo-darida Caruurtaa Ugu Daran

Sheeko:Dalka

Hey’adaha Banii’aadnimada ayaa sheegaya in sanadkan illaa 5.4 million Soomaali ah u baahan yihiin gargaar banii’aadnimo, dadka baahiyaha xoogan ama gargaar deg-deg ah qaba  waa 2.7 million, iyada oo si wax looga qabto loo baahan yahay .

Hey’adaha gar-gaarka rajadooda ma xuma oo waxaa ay leeyihiin sanadkii hore dadka dhibaateysan waxaa ay ahaayeen illaa 6.2 million halka kuwa gargaar deg-deg u baahnaa ay gaarayeen 3.2 million, marka waxaa muuqato hoos-udhac iyo rajo.

Iyada oo rajadaasi fiican jirto hadana hey’adaha waxa ay ka digaan in la is-dhigto, oo mark haddii roobabkii la sugayey aaney di’in ay dhici karto in dad gaaraya 500,000 qof ay khatar galaan.

In kasta uu jiro hoos u dhac xagga nafaqo-darida ah gaar ahaan caruurta hadana waxaa la sheegaa in caruurta nafaqo-darida heyso ay gaarayaan 301,000 oo ka yar da’da 5 jirka, 48,000 ka mid ah caruurtaas waxaa ay ku jiraan halis, waxaa xusid mudan in haddii aan wax laga qaban ay dhibaatada gaari karto in  1.2 million oo caruur ah halis galaan dhammaadka sanadkan, goobaha u daran waxaa laga sheegayaa Hawd, Bari, Nugaal, Gedo iyo meelo kale.

Goobjoog News