U bood dhigaalka

Soomaaliya: Ciidamada Uganda oo Sheegtay iney Jimcihii Dileen Ku Dhowaad 200 Al-shabaab ah

Sheeko:Amniga

Ciidamada Uganda eek a tirsan hawlgalka AMISOM ee loo yaqaano The Uganda People’s Defense Forces (UPDF) ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen Al-shabaab ku dileen 189  Al-shabaab ah.

Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka Anadolu Agency, ku xigeenka afhayeenka ciidanka Lt. Col. Deo Akiki ayaa yiri  ‘Maanta hawlgal ay ciidamadeennu ku fuliyeen magaca  (AMISOM) ayaa lagu dilay 189 al-Shabaab ah.

“Waa tiradii ugu badneyd ee dagaalyahanno Al-shabaab ah laga dilo maalin gudaheed’.

Weerarka ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay goob ay Al-shabaab ku dhuumaaleystaan oo dhacda Sigaale oo ah meel 99 kilometers (61 miles) Koonfur galbeed  Mogadishu.

Ciidanka Uganda waxa ay Soomaaliya joogeen in ka badan 10, waxaana uga dhimatay in ka badan 20 askari

Goobjoog News