U bood dhigaalka

Soomaaliya: Duqeymaha Mareykanka Oo Sii Kordhaya Iyo Sida Loo Marin-habaabiyo Sirdoonkooda

Sheeko:Dalka

Duqeynta bishan ka geysteen ay Mareykanka bariga Soomaaliya waxaa ay qeyb ka tahay siyaasadda cusub ee Pentagon-ka ee la xiriira la dagaalanka argigixisada, waxaa kale oo jira walaac la xiiira bar-tilmaameedka rayidka

Mareykanka ayaa la sheegayaa in duqeyn iyo weerar dhulka ka geysto gudaha Soomaaliya, Sanadkan keliya in ka badan 20 weerar cirka ah iyo dagaal xagga dhulka ah ayuu ka geystay halka sanadihii 2015-ka wixii ka horeeyay uu qaati jiray 6 weerar wax ka yar.

In kasta oo Obama 2013-kii adkeeyay in laga taxadiro duqeymaha gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin rayidka arrimmahaasi waxaa ay isbadaleen March sanadkan kadib markii Trump fasaxay in-bartilmaameedyada furan yihiin.

Hadaba, waxaa jira walaac ku saabsan sida looga faa’ideysan karo duqeymahaasi oo wakiillada sirdoonkooda u jooga dhulka la marin-habaabiyo isla markaana lagu bartilmaameedsado beelo ama kooxo gaar ah sida horay u dhacday.

Dhacdadii Bariire ayaa la sheegayaa in ay soo saartay in sirdoonka Mareykanka aaney xog fiican ka heysan gudaha Soomaaliya, waxaa ay halkaasi ku dileen dad rayid ah, iyada oo arrinta qabyaalad aheyd, ma aha markii ugu horeysay ee bishii September sanadkii hore waxaa ay 22 qof ku dileen Galmudug, dhacdadan sidoo kale sirdoonka waa la marin-habaabiyay, oo si qaldan ayaa ciidamada Mareykanka wax loogu sheegay si loo aarguto.

Goobjoog News