U bood dhigaalka

Soomaaliya: Golaha Aqalka Sare oo Diiday Heshiiska Qarniga ee Trump

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka hor yimid heshiiska qarniga oo saaka aroortii uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Dhammaan mudanayaasha aqallka sare ayaa cod gacantaag ah ku diiday waxaana ay tilmaaeen inuu heshiiskaaas uu meel uga dhacayo umadda Muslimka , qadyadda magaalada Qudus iyo dadka dulman ee reer Falastiin.

Ugu horen Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa ka hor akhriyay qaraarkan ay soo saareen xubnaha golaha baarlamaanka waxaana lagu cambaareeyay go’aankii madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump iyagoo magaalada Qudus u aqoonsaday Caasimadda dhabta ah ee Falastiin.

“Aqalka sare wuxuu si gaar ah ula socday dhacdooyinkii maalmihii ugu dambeeyey dhacayey ee ku aadanaa qadyadda Falastiin oo ah qadyad muhiim u ah umadda muslimka, umadda Carbeed iyo dhammaan umadaha Xoriyadda taageera, aqalka sare waxaa uu si gaar ah u cambaareynayaa heshiiskii lagu sheegay heshiiskii qarniga kaas oo lagu duudsiinaayo xuquuqda dadka reer Falastiin”. Ayaa lagu yiri qaraarka.

Sidoo kale Sanator Ayuub Ismaaciil oo sii akhrinaya ayaa xusay in heshiiskaas uu yahay mid loogu daneynaayo shacabka Yahuuda laguna dulminaayo dadka dulman ee reer Falastiin. “Heshiiskaas waxaa uu dhigayaa in Falastiiniyiinta dhulbadan ay lahaayeen in ay ku wareegto Israaiil, waa heshiis wixii adduunyada dhan ay wada sugeysay mudada dheer in dadka reer Falastiin ay noqdaan dowlad madaxbannaan caasimadooduna tahay Qudus in ay baaba’day oo lamacna ah in laga dhigay heshiis cusub oo Israaiil loogu aqoonsanaayo caasimadeeda in ay tahay Qudus”.

Dhanka kale Sanoter ayaa qeexay mowqifka golaha iyo sida uu u diidan yahay heshiiskii lagu tilmaamey qarniga oo dhawaan uu saxiisay masdaxweyne Trump.

“Aqalka sare waxaa uu diidayaa sixiixa ama heshiiska quursiga ah ee uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo dhigaya in Israaiil ay ku helaan dhul badan aysan xuquuq u laheyn, waxaan si gaar ah u soo jeedinaynaa una aqaansan nahay dowlad la yiraahdo Falastiin caasimadeedana ay tahay magaalada Qudus”

Ugu dambeyn hadalka maanta ka soo baxay aqalka senoterada Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dhawaan Donald Trump uu saxiixay heshiis uu ku tilmaamey heshiiska qarniga.

Goobjoog News