U bood dhigaalka

Soomaaliya: ISIS Oo Qoraneysa Dagaalyahanno.

Sheeko:Dalka

Kooxda ISIS ee woqooyiga Soomaaliya ayaa qoraneysa dagaalyahanno si xowli ah iyadoo ay jiraan kororka weerarrada dhinaca cirka ah ee dowladda Mareykanku ka fuliso Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Africa ee Mareykanka (AFRICOM) kaasoo lagu faahfaahiyey awoodda kooxda.

Tan iyo bishii April, AFRICOM waxay qaadday illaa siddeed weerar oo dhanka cirka ah kuwaasoo lagu beegsaday kooxda ISIS ee Soomaaliya, waxaana qiyaastii lagu dilay weerarradaas 20 dagaalyahan. Dagaalyahannada weerarradaas lagu dilay waxaa ka mid ah taliyihii labaad ee kooxda laakiin qiyaas ay sameeyeen falanqeeyeyaal dhanka ammaanka ah ayaa tirada laga dilay kooxda ku sheegay 100 illaa 200 oo dagaalyahan, saraakiisha ammaanka ayaa iyaguna sheegaya in tirada ay intaas ka sii badan karto.

“Kooxda ISIS ee Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa illaa 300 oo dagaalyahan iyagoo badankood ka hawlgala woqooyiga maamulka Puntaland,” Sida ay sheegtay afhayeenka Taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM Samantha Reho, Inkastoo duqeynta cirka dagaalyahanno badan looga laayey kooxda ISIS haddana waxay wali wadaan dadaallo ay ku qoranayaan dagaalyahanno kaddib markii qasaare uu kasoo gaaray weerarro lagu beegsaday.

Kooxaha ku safka ah ISIS ayaa aad u yaraa laakiin waxay si joogto ah u joogeen Soomaaliya muddo sannado ah. Kooxda ayaa xoogga saarta gobolka Bari ee maamulka Puntland oo ah maamul si iskiis ah isku maamula.

Kooxda ISIS aad ayey u yar tahay marka lala barbardhigo Xarrakada Alshabaab ee gacan saarka la leh Alqaeda taasoo leh dagaalyahanno lagu qiyaasay 5,000 kuna soo jirtay halgan dheer oo ay ku afgambineyso dowladda dhexe ee Soomaaliya. Illaa bishii hore dhammaan weerarradii AFRICOM ee Soomaaliya waxaa lala eegtay Alshabaab.

Wali kooxda ISIS waxay dhibaato ku haysaa hawlgallada amniga lagu sugayo ee dalka waxayna taasi sababtay in ciidanka Soomaaliya ee Mareykanku taageero ay qaadaan tillaabooyin ka dhan ah Xarrakada Alshabaab. Militariga Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada dowladda taageera ayaa ka saaray kooxda ISIS dhul ay haysteen sida lagu sheegay warka kasoo baxay AFRICOM.

Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kooxda ISIS ee Soomaaliya ay ka faa’iideysato xiriirka ay la leedahay qabaa’ilka iyadoo hoggaankooduna ay saameyn ku dhex leeyihiin sidaasna ku qortaan xubno ka mid noqda.

“Marka la eego qabaa’ilka, qeyb ka mid ah dadka ayaa taageera ISISta Soomaaliya kuna biiraan sababo badan awgood waxaana sababahaas ka mid ah lacag iyo in la qaato fikirka ISIS,” ayey tiri afhayeen Reho. Arrimahaan ayaa u ogolaanaya in ISIS Soomaaliya ay hesho dagaalyahanno badan.

Iyadoo awoodda kooxda ISIS ee Soomaaliya ay yar tahay haddana guulaha ay ka gaartay inay dagaalyahanno qorato ayaa u muuqda mid ka weyn kooxaha kale ee ISIS ka midka ah kuwaasoo ka dagaallama Galbeedka Africa.

Stars.