U bood dhigaalka

Soomaaliya: Isticmaalka Tiknoolajiyadda Oo Saameysay Dhinacyo Badan

Sheeko:Dalka, War

Dunida aynu ku noolnahay Tiknoolajiyaddu waxa ay uga jirtaa dhinac waliba oo nolosha aadamaha ah ayadoo marba marka ka danbeyso ay ku tilaabsaneyso horumar aan qiyaas laheyn.

Gudaha wadanka way adkeyd in muddo ah inuu adduunka wax kula qeybsado horumarka laga gaaray dhanka Tiknoolajiyadda, sababta oo ah wadanka oo ah dalka kujira soo kabasho dagaalo sokeeye oo  qasabtay in hardan loo galo in la badbaadiyo nolosha.

Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka yagleelmay Ganacsiyo, Talaabooyin iyo figrado ay saldhig u tahay Tiknoolajiyadda, bulshada Soomaaliyeedna ay fahmeen lana jaanqaadeen.

Cawil Axmed oo ah maamulaha IRISEHUB oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegaya in dhalinyadu ay si aad ah ula qabsadeen fahamaka iyo ku shaqeynta Ganacsiyada ku dhisan Tiknoolajiyadda,  waxa uuna xusay in asbuuc waliba dhalintu ay soo bandhigaan barnaamijyo cusub.

” Asbuuc waliba waxa aad social medi-yaha aad ku arkaysaa barnaamijyo cusub oo la soo kordhinaayo, waxa ay taas ku tusinaysaa in dhalintii aad u firfircoon yihiin  fahmeena istmaalka iyo faaiidada Tiknoolajidda, runtii anaga waxaan ku shaqr=eynaa qaab online ah  bulshadana ayagoo guryahooda jooga iney helaan waxa ay naga rabaan”

Maxaa sababay in dadku fahmaan isticmaalka adeegyada ay Tiknoolajiyaddu laf dhabarka u tahay iyo in dadku ay ku dhiiradaan ku adeegashada qaabka onlinka ah, waxaa sharaxayo Maxamed Shiine oo ah aas-aasaha   shirkadda Soomar oo ayadu qaab online ah wax ku iibisa.

“ Aniga waxaan ahay aas- aasaha shirkadaan Soomar oo qaab online ah wax ku  iibiso, dadka nala shaqeeyo waa dad aad ugu sareeyo isticmaalka Tiknoolajiyadda, waxaan u suura galinaa bulshada ayagoo guyahooda joogaan iney helaan alaabtooda,taasna waxa ay saamaxday in adeegeeno uu dad badan uu gaaro, runtii dadka hadda wax ku iibsadana aad ayeey u soo badanayaan”

Inkastoo si aada ay uga muuqato isticmaalka Tiknoolajiyadda gudaha caasimadda Muqdisho shirkado caalamka laga yaqaano ay soo sal dhigteen, haddana waxaa jiro caqabado dhanka bulshada ah oo ku aadan aaminaada  kalsoonida ay ku qabaan .

Cabdi shakuur Fuje, waa  aas-aasaha Shirkada Soomaali Deals oo ku shaqeysa qaab online ah waxa ayna iibisaa Dhulalka,Beeraha iyo kireenta Guryaha waxa uu sheegayaa wali inay yartahay kalsoonida bulshadu ay qabaan.

“ Wali caqabado ayaa jiro caqabadaas oo ah in dadka markii ay  arkaan warbinada  aan soo galinay qadka in su,aalo badan ay naweydiiyaan, waliba waxaa u daran dadkii hore sababtoo ah ayaga maba ahan dad aad u fahamsan, lakiin dhanka kale bulshada hormar aad ah ayaa jiro,rajo aad uweyn ayaana ka qabnaa in caqabadahaan ay dhamanayaan , wax waliba oo la bilaabo waxaa jiroo caqabado ku hor gudban inay dhamaato ayaan rajaynaynaa oo maraan fogeeyn wax waliba lagu kala iibsado qaab online ah bulshaduna fahmaan”

Sanadkii 2018ka Muqdisho waxaa lagu qabtay shir lagu soo bandhigayay laguna tartan siinayay shirkadaha Tiknoolajiyadda ku shaqeeya oo qaarkood ay dhalinyaro abuureen waxaana ka soo qeyb galay dad kabadan 4000 oo qof oo isu jiray Soomaali iyo Ajaanib taas oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay ugu hamuun qabaan iney ku talaabsadaan  Horumar dhanka Tiknoolajiyadda, waa kanaa Cawil  Axmed waxa uu ka mid ahaa dad qaban qaabiyay  shirkaas waxa uu  sharaxayaa ahmiyadda uu u lahaa dadka Soomaaliyeed.

“ Shirkii 2018 waxaan aamin sanahay midka  2019ka uu ka casriyeeysnaan doono  oo dad 4000 ahaa ka badan ay ka soo qeyb galin doonaan , shirkadaha  aan uga qeyb galnay wuu yaraa   hadda dadku faaiidada way arkeen  waxaan rajaynaa inuu sanadkaan shirkado ay nagu soo biiri doonaan ka badan kuwii hore”

Sadexdii sano ee la soo dhaafay Muqdisho waxaa ka hana qaaday dhowr isku dayo oo lagu doonayay in lagu hirgaliyo ganacsiyo iyo shirkado si guud ku shaqeynaya  Tiknoolajiyadda taas oo sawir guud ka bixinaysa sida wadanka uu ugu sii socdo inuu horumar uu ka gaaro.

Goobjoog News