U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Burundi Oo Ka Shiray Xoojinta Amniga Iyo Xiriirka Labada Dal

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ayaa xalay waxa uu dhiggiisa dalka Burundi  Pierre Nkurunziza oo ay ku kulmeen caasimadda dalkaasi waxay ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Waxay madaxdan kulankooda isku soo qaadeen arrimo ay ka mid tahay ammaanka iyo sidoo kale sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Labada wadan.

Iyadoo weli kulamo kale ay dhiman yihiin ayaa kulankii xalay oo hordhac ahaa waxaa sidoo kale la isku soo qaaday arrimaha ciidamada Burundi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo la qorsheynayo in sanadkan gudahiisa ay qaar ka mid ah ciidankaasi dalka isaga baxaan.

Burundi oo ah dalkii Labaad oo Soomaaliya keena ciidamo nabad ilaalin ah ayaa sanadkan waxa uu deegaannada Hirshabelle ka saarayaa in ka badan Kun askari, kuwaasi oo dalkooda dib loogu celinayo.

Goobjoog News