U bood dhigaalka

Soomaaliya Iyo Djibouti Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Ku Qotoma Iskaashiga Dhinacyada Socdaalka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka

Sheeko:Dalka

Dowladaha Djibouti iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku qotoma dhinacyada gaadiidka Cirka iyo dhulka, sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee Djibouti.

Wakaaladda Djibouti ayaa warkani baahisay maalin nimadii Arbacada aheyd oo Taariikhdu ku beegneed 2, May, 2018-ka, heshiiskan ayaa labada dowladood u ogolaanayo inay ka faa’ideystaan qadka duulimaadka Djibouti iyo Soomaaliya, kaasi oo ku dhisan dhaqanka diblomaasiyadda caalamka waafaqsanna sharciyada fulinta.

Soomaaliya iyo Djibouti xiriirka Taariikheed ee ka dhaxeeya, ayaa keenay inay isku milmaan labada dal si ay iskaga faa’ideystaan.

Labadaan dowladood oo ku yaallo geeska qaaradda Afrika ayaa maalintii Arbacada 2 May waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan adeegyada gaadiidka Cirka iyo iskaashiga dhanka socdaalka dhulka.

Wakaaladda Djibouti oo soo xiganeysay ilo wareedyo Djibouti ah ayaa sheegtay in heshiiskan uu keenayo in Shirkadaha ay soo xuli doonaan labada dowladood, si looga shaqeysiiyo qadka duulimaadka Djibouti iyo Soomaaliya iyada oo la raacayo dhaqan gelinta heshiiska la saxiixday.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Djibouti  iyo Soomaaliya Isniintii la soo dhaafay, dhanka Djibouti waxaa u saxiixay wasiirka Socdaalka iyo gaadiidka Mohamed Abdoulkader Moussa Helem, halka Soomaaliya uu u saxiixay wasiirka gaadiidka iyo duulimaadka rayidka Mohamed Abdillahi Salat.

Goobjoog News